Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: R/Wasaare Kheyre oo Sacuudiga kula kulmay Adel bin Ahmed

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arimaga dibadda Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arimaha dibadda Sacuudiga ayaa horu dhac u ahaa kulamo kale oo lagu wado in Kheyre magaalada Riyadh kula qaato madax kale oo katirsan Boqortooyada Sacuudiga.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo wafdiga la socda ay ku jiraan Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa la filayaa in kulamo la qaataan Madax katirsan Boqortooyada Sacuudiga heshiisyana la saxiixdaan.

Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa mudooyinkii dambe aan aad u fiicneyn, waxaana xiriirka labada dhinac uu xumaaday kadib markii Soomaaliya diiday in ay taageerto Xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowlada Qadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sirdoonka Kenya oo shaaciyay bartii Al Shabaab ka abaabuleen weerarkii Dusit D2

Cabdi Cade

Puntland oo sheegtay in ciidamo katirsan Gor Gor foodo iyo dagaal ka wadaan Boosaaso

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Shirka Amniga Qaranka oo goordhaw ka furmay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---