Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha shacabka Somalia? (Sawirro)

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 3aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta shir guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa sii wadida ka doodista xaaladda fatahaadaha ee dalka iyo khasaarihii ka dhashay, waxaana goobjoog ahaa Sadaad Caliyow oo ah Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha ahna kusimaha Wasiirka ayaa warbixin Golaha ka siiyay xaaladda Fatahaadaha dalka islamarkaana ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ay waheliyaan Khubaro iyo agaasimayaal ka tirsan Hay’adda

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii Elniino ka da’ay gobolada dalka. Xildhibaannadu ayaa wasiirka iyo agaasimaha weydiyey xaaladaha iyo waxyaabaha ay ka qabateyn fatahaada.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha Hay’adda ayaa mid mid ugu jawaabay su’aallaha xildhibaanada ay weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS oo soo xirtay kulanka maanta ayaa sheegtay in kulanka xigga uu sii socon dooda arrimaha la xariira fatahaada.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ku dhaqaaqay talaabo qaldan

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Yurub oo shaacisay iney xireyso todoba Masaajid iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---