Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo qiratay askartii ugu badneyd ee hal maalin looga dilay dagaalka Gaza (Sawirro)

Sagaal askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil, taasoo sare u qaaday tirada dhimashada toddobo qof oo hore loo sheegay.

Ilaa hadda lama oga sida ay wax u dhaceen dhacdadan oo askarta lagu dilay uu ku jiro Taliye Guuto.

Waa mid ka mid ah khasaaraha ugu badan ee nafeed ee hal dhacdo oo soo gaara ciidamada Israel tan iyo markii ay duulaanka dhulka ah ku qaadeen Qaza sida ay sheegteen.

Israel waxay magacawday laba ka mid ah dhimashada saraakiisha kuwaasoo kala ah Kornayl Yitzhak Ben Bassat, 44, iyo Sergeant Eran Aloni, 19.

Tirada guud ee ciidamada Israa’iil ee lagu dilay dagaalka Gaza ayaa hadda mareysa 115 sida ay sheegtay Israel, hase ahaatee warbaahinta Israel iyo khubarada milateriga ayaa aaminsan in Khasaaraha soo gaaray Yuhuuda uu intaas aad uga badan yahay.

Ugu yaraan 18,412 qof oo shacab  ah ayaa lagu dilay Gaza intii lagu jiray weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

HOOS KA DAAWO SAWIRO

Related posts

RW Somalia oo go’aano cusub ka soo saaray xayiraadii ka dhalatay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Bariga Dhexe oo qarka u saaran dagaal balaaran ka dib weerarkii qunsuliyada Iran ee Dimishiq

Caydiid Ali

Dhaqaatiir Ajnabi ah oo Isbitaalka Jaziira kawada Daaweynta iyo Qaliinada Lafaha iyo Sinaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---