Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub sameeyay

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday agaasimihii guud ee Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax.

Xamse Barre ayaa xilka ka qaaday agaasime Cabduqaadir Maax kaddib markii qoraal uu soo saaray kaga dalbaday wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka in laga saaro Dastuurka dalka laga saaro Af-mayga uu tilmaamay in uu yahay af-guri.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, in uu noqdo sii hayaha guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Qoraalka uu soo saaray agaasimihii hore Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax ayaa abuuray carro iyo hadal heyn, waxaana si weyn uga hor-yimid qoraalkaasi siyaasiyiinta iyo dadka ku hadla af-mayga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Macawuusleyda oo dagaal kula wareegay Deegaan Al Shabaab maamulayeen

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay khariidadii ay Itoobiya soo bandhigtay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxa Sirdoonka mareykanka CIA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---