Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Joe Biden oo si kulul u dhaleeceeyay Hoggaanka maamulka Israa’iil

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa si kulul u dhaleeceeyay hab dhaqanka hoggaanka sare ee maamulka Israa’iil, xilli ay sii kordhayaan gumaadka ciidamada Israa’iil u geesanayaan shacabka Israa’iil.

Joe Biden ayaa sheegay in hoggaanka sare ee Israa’iil  ay luminayaan taageerada caalamiga ah, waxa uuna sheegay in sida ay hadda wax uga socdaan magaalada Gaza ay yihiin si aan loo baahneyn.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhaleecayntiisa  sal uga dhigay  duqeymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Israa’iil ka gaysanayaan magaalada Qaza, duqeymahaasi ayaa galaaftay nolosha kumanaan shacab Falastiiniyiin ah.

Dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka u jeediyay hoggaanka Israa’iil ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu kamid ahaa dhowr dowladood oo diiday in xabbad-joojin deg deg ah laga hirgaliyo magaalada Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heyadda socdaalka DF oo xarun ka furatay Laascaanod (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo dadweyne badan salaada ciida kala qeyb galay Madaxtooyada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo ka qeyb galay Shirka Golaha Fulinta Kulmiye Digniina diray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---