Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo booqday xarun ay ku mideysan yihiin 127 Dowladood (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqday xarunta weyn ee Expo Doha 2023 oo ah xarun ay ku mideysan yihiin 127 dowladood, kuwaas oo loogu talagalay in waddan kaste uu xaruntani kusoo bandhigo waxyaabaha uu caanka ku yahay sida Hido-dhaqmeydka, wax soo saar kooda iyo taariikh dooda.

Guddoomiye Madaale ayaa maamulka sare xaruntan Expo Doha 2023 ka dhageestay warbixina la xariira xaruntani iyo waxa ay u taagan tahay, isaga oo warbixinta ka dib sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan barwaaqo ah islamarkaana leh wax soo saar balaaran oo waddama badan oo caalamka ka tirsan loo iib geeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo maamulka Expo Doha 2023 ayaa isla soo qaaday sidii loo abuuri lahaa fursado iskaashi ah oo lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS ee Muqdisho.

Related posts

Taliye ciidan iyo askar loo xiray dil iyo Afduub habeenno kahor ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Dayuuradaha Ruushka oo duqeeyey ciidanka Wagner oo ku sii siqaya Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Dedaal Mukhtaar Roobow lagu sii deynayo oo ka socda Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali