Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydadka labo ka mid ah dadkii laga heystay Israel oo laga helay Gaza (Sawirro)

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in meydadka laba qof oo Israa’iili ah oo ka mid aha dadkii la qafaashay laga helay magaalada Qaza.

Waxaa lagu kala magacaabayey Eden Zechariya oo haweeney aheyd iyo Ziv Dado, waxayna labaduba ka tirsanaayeen ciidamada Yuhuuda, lama sheegin in la dilay ama iney ku dhinteen duqeymaha Israel.

“Intii lagu jiray howlgalkii Gaza, meydadka la haystayaashii Eden Zecharya iyo [Sargeant Major] Ziv Dado waxaa soo helay ciidamada gaarka ah ee israel waxaana dib loogu celiyay Israa’iil,” ayaa lagu yiri nhadal ka soo baxau ciidamada Israel

Milatariga Israel ayaa intaas ku daray: “Ka dib habraac aqoonsi oo ay sameeyeen saraakiisha caafimaadka iyo militariga oo ay weheliyaan Machadka Daawada Forensic iyo Booliska Israel, maanta (Talaado) ah waxaan ku wargelinay qoysaska geerida Eden Zecharya iyo  Ziv Dado oo ururka Xamaas ay qafaasheen 7-dii October”

Waxay intaa ku dartay israel in intii uu socday howlgalada lagu suurageliyay in meydadka la soo saaro, laba askari oo ka tirsan ciidamada oo heegan ku jiray la dilay kuwa kalena la dhaawacay.

Xarunta Golaha Qoyska ee la haysto iyo dadka la la’yahay ayaa sheegay in Zecharya ay aheyd  28 jir.

Waxay u safartay Re’im iyada iyo saaxiibkeed, 23 jir Ofek Kimchi. Waxay kula hadashay aabaheed taleefan ka hor intaan la qafaalan.

Kimchi oo saaxiibkeed ahaa ayaa lagu dilay weerarka, Zecharya ayaa la afduubay iyadoo dhaawac uu ka soo gaaray qeybta sare ee jirkeeda.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada dadka lagu heysto Qaza, wuxuuna ka dhigay 135 ruux, iyadoo la tixraacayo ku dhawaaqista in meydadka labo la heyste laga soo saaray Qaza.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee Xassan Shiikh ka yeeli doonaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad

Caydiid Ali

Guddi Somaliland u saartay fulinta heshiiskii Itoobiya oo qaaday talaabo cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---