Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Macalin Cabdulle oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka (Sawirro)

Cabdi Macalin Cabdulle oo Magaciisa afgarashadu yahay Hamza, kana tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 60aad sida lagu sheegay war laga sii daayey Idaacada ciidanka XDS

Cabdi Macalin oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa Qeybta Jabhadaha ee Al-shabaab, ayaa ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolada Bay, Bakool, Galgaduud, Hiiraan, Gedo iyo Jubbada hoose.

Sababta uu isku-soo dhiibay ayuu ku sheegey inay tahay dhibaatada hadda ka dhex jirta Al-shabaab iyo inuu u adkeysan waayey Gulufka culus ee lagu beegsanayo kooxdaas.

Waxaa saaxiibadii oo uu duurka kaga soo tagey ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka, isagoo xusay in si wanaagsan loo dhoweeyey uuna ku faraxsan yahay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay “Kulankii Khayre ee Galmudug & Puntland iyo dowladda Soomaaliya oo meel xun isla gaaray !!

admin

Israa’iil oo Weerar Jawaab-celin ah ku qaaday Marinka Gaza iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo digniin adag siiyey Maamulka Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---