Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo qabtay afar nin oo ka dambeeyay dilka labo wiil oo walaalo ahaa

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay afar nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil lhabeenno kahor deegaan lau magacaabo Ilix oo katirsan gobolka Galgaduud loogu geestay labo wiil oo walaalo ahaa.

Sida aan wararka ku helnay afarta eedeysane ayaa lagu qabtay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana hadda gacanta ku haya oo baaritaanno ku bilaaay ciidanka Nabad sugida Soomaaliya.

Raggan ayaa ku eedeysan dilka labo nin oo walaalo ah oo lagu kala magacaabayay Dr Axmed Xasan Cismaan iyo Macalin Liibaan Xasan Cismaan, raggan ayaana labadan wiil u dilay aano qabiil sida aan xogta ku helnay.

Labadan walaalaha ee la dilay ayaa mid kamid ahaa dhaqtar ka shaqeenayay degmada Buuhoodle ee gobolka Sool, waxa uuna dib ugu laabtay dhawwaan  deegaanka lagu dilay oo hoostaga degmada Guriceel, halkaas uu u tagay qaraabo salaan.

Ciidamada ammaanka ayaa waday saacadihii lasoo dhaafay baadigoobka raggan ku eedeysan dilka labada wiil ee walaalaha ah, waxaana la filayaa in raggan la geeyo degmada Guriceel si halkaasi maxkamad loogu saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Garoon ciyaareed ay horey u xireen Al-shabaab oo mar kale dib loo furay

Caydiid Ali

Turkiga, Ruushka iyo Iran oo ka shiraya dagaalka Siiriya

Caydiid Ali

Ganacsato ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo oo sabab layaab leh loo xiray !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---