Allbanaadir.com
NEWS

Labo Dowlad oo dalkooda oo ka masaafuriyey ku dhowaad milyan reer Afghanistan ah

Saddexdii bil ee la soo dhaafay, Iran iyo Pakistan ayaa waxay ku qasbeen ku dhawaad 850,000 oo muwaadiniin Afghanistan ah oo aan sharciyeysnayn inay ku laabtaan Afghanistan, oo ay maamusho Taliban, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii.

Hawlgalka ka dhanka ah dadka reer Afghanistan, ee sida sharci darrada ah u deggan dalalka deriska ah, ayaa weli socda, inkastoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in jiilaal daran iyo mustaqbal aan la hubin uu sugayo dadka soo laabanaya, kaasoo ka jira qarankooda saboolka ah.

Abdul Rahman Rashid, oo ah wasiirka qaxootiga iyo dib u celinta ee Taliban, ayaa Isniintan u sheegay kanaalka TOLO ee maxalliga ah in Iran ay masaafurisay “qiyaastii 345,000” oo Afghanistan ah ilaa toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii Sebtember.

Isagoo aan bixin tafaasiil dheeri ah, ayuu Rashiid sheegay in maamulka Taalibaan uu qoys kasta oo soo laabtay siiyay deeq lacageed iyo gargaar kale oo degdeg ah.

Maamulka Iran ayaa ballan qaaday in ay masaafurin doonaan dadka u dhashay Afghanistan ee sida sharci darrada ah ku jooga dalkooda.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in ku dhawaad 490,000 oo qof ay dib ugu laabteen Afghanistan tan iyo markii ay dowladdu amartay in la qabto dhammaan ajaaniibta sharci darrada ah, oo ay ku jiraan dad lagu qiyaasay 1.7 milyan oo qof oo Afghanistan u dhashay labo bil ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo saakay kusii jeeda Baladweyne iyo Xiisad halkaasi ka jirta

Cabdi Cade

Baaritaano lagu sameenayo Madaxweyne Trump iyo Aqalka cad oo si adag uga hadlay

Cabdi Cade

(Akhriso) Taariikh nololeedka Xubnaha golaha dhaqaalaha Qaranka oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib

Caydiid Ali
Taboola Ads ---