Allbanaadir.com
NEWS

Heshiiska Galmudug iyo Shirkadda maalgashiga Dekadda Hobyo oo la ansixiyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada, kaa oo dhacay degmada dekada leh ee Hobyo gobolka Mudug.

Ugu horreyn shirka golaha ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga, kaa oo shirka ka sheegay xaalada amni ee Galmudug iyo howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab halka ay marayaan..

Sidoo kale , kulanka waxaa warbixin ku saabsan hishiiska dowladda Galmudug iyo shirkadda Maalgashiga Dekadda Hobyo laga dhageystay Wasiirka Dekadaha. Kaddib dood dheer golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskaas.

Shirka golaha wasiirrada Galmudug ee ka qabsoomay magaalada Hobyo ayaa sidoo kale waxaa sharci muhiim ah loogu ansixiyay Wasaraadda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Gaashaandhiga & amniga DF oo Shir jaraaid qabtay, amaro culusna soo saaray

Caydiid Ali

Isra’il oo dadkeeda uga digtay iney booqdaan Itoobiya Al-shabaab awgeed

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo ka dhacday Jilib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---