Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Gudoonka Baarlamanka Puntland oo ka hor yimid go’aankii Maxkamada Sare

Baarlamanka Puntland ayaa ka soo horjeestay go’aankii maxkamadda dastuuriga ah ku laashay mudda kororsiga ay sameysteen.

Qoraal ka kooban saddex bog oo uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayuu ku diiday go’aankii maxkamadda dastuuriga ah ee burisay mudda kororsiga, isagoo xusay in go’aanka maxkamadda uu ka hor-imaanayo qodoba dastuuri ah isla markaana uu yahay mid sharci-darro ah oo aan waxba ka jirin.

Tallaabada guddoonka ayaa soo baxday kadib markii maanta golaha wakiiladu isku mari waayay dood uu ka yeeshay jawaabta laga bixinayo go’aanka maxkamadda.

Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayaa shalay burisay mudda kororsi hal sano ah oo uu samaystay Baarlamanka Puntland kadib codsi maxkamadda uga yimid dhinaca Maamulka madaxweyne Saciid Deni.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Hambalyo & Baaq muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyed

Caydiid Ali

Haweeney dilaa ah oo laga baadi goobayay Kenya oo la helay iyada oo Meyd ah

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Rooble & Wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---