Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo taageero culus weydiistay dhigiisa magaalada Doha (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dhinac, dar-dargelinta heshiiska Mataaneynta labada Magaalo iyo taageeridda Horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Doha kala hadlay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ay ugu horeyso wax ka qabashada Bullaacadaha, Qorshaha dib-u-hagaajinta Magaalada, wax ka qabashada Nadaafada iyo helida Gaadiidka culus ee loo adeegsado Nadaafada, Dab-damiska iyo Adeegyada Deg-dega ee Bulshada.

Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kasta oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargalin lahaa qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Qatar iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Sax miyaa in Mas’uuliyiinta Rayidka Ah Ee Xirtaan Dharka Ciidanka ?

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo kulan ku yeeshay Muqdisho & qorsheyaal la hor dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii saldhiga Kaxda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---