Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo Xildhibaannada Aqalka Sare kahor aqriay Hindide Sharciyeed uu rabo in la meel mariyo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Xildhibaannada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, Akhrintiisa 1-aad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo u mahadceliyay Guddoonka iyo xildhibaannada Aqalka Sare ayaa sheegay in Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka uu ka koobanyahay 7(Todobo) Cutub iyo 38 qodob, isla markaana uu yahay 32 bog

Wasiir Fiqi oo ka hadlay Sida uu Hindise Sharciyeedkaan u waafaqsanyahay Dastuurka iyo xeerarka ee dalka ayaa yiri “Hindise Sharciyeedkan wuxuu ku saleeynsan yahay Qod. 37aad ee Dastuurka KMG. (Qaxootiga & Magangalya doonka). Iyo sidoo kale shuruucda iyo heshiisyada Caalamiga ah ee la xiriira arrimaha Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay Soomaaliya dhinc ka tahay oo ku faahfaahsan qeybta danbe ee Ararta ee Hindise Sharciyeedkan”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa mid mid ugu sharxay Xildhibaannada Aqalka Sare Cutubyada iyo qodobada uu ka koobanyahay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka 2023.

Ugu Dambayn, Wasiir Fiqi oo Guddoonka iyo Xildhibaannada Aqalka Saree BFS ka codsaday Meelmarinta Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023 ayaa yiri “ Mudane Guddoomiye, Senataradda sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwwooyinka Waxaan si qadarin iyo Xushmad mudan idinkaga codsaneeynaa oo aan idinkaga rajeeynaynaa in ka dib marka aad waajibkiina dastuuriga ah ka gudataan, aad ansixin doontaan inta lagu guda jiro kalfadhigan afraad ah Sharciga Qaxootiga iyo Magan-galo doonka, si uu ugu danbayn Sharci dhaqan gal ah noqdo oo jiristiisa dad badan oo dalkeena ku sugan ay ku helaan nidaam lagu kala habeeyo ama siinaya xuquuqdooda asaasiga ah”.

Related posts

Faahfaahino kasoo baxaya dil loo geestay Cabdi Mahad Cabdullaahi iyo ninkii dilay oo …

Cabdi Cade

Soomaaliya oo dalbatay in wax laga bedelo qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS

Caydiid Ali

Haweeney dilaa ah oo laga baadi goobayay Kenya oo la helay iyada oo Meyd ah

Cabdi Cade