Allbanaadir.com
NEWS

Deg Deg: Axmed Karaash oo kaligiis talis ku tilmaamay madaxweyne Deni Digniin adagna u diray

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhax galay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash, xilli muddo xiloodkooda bil kaliya kaharsan tahay loona doyaar garoobayo doorasho.

Khilaafka labada masuul ayaana salka ku heysa qaabka loo wajahayo doorashada gaar ahaan xildhibaannada wax dooranayo oo la isku hayo in kuwa hadda jooga sannad loogu daro iyo in xildhibaanno cusub lasoo xulo.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Karaash ayaa goordhaw qoraal uu soo saaray digniin adag ugu diray Madaxweyne Siciid Deni oo uu ku eedeeyay awood maroorsi iyo diktaytarnimo.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa looga digay in cawaaqib xumo ka dhalan doonto tallaabo kasta oo aan heshiis lagu ahayn ee uu qaado madaxweyne Deni.

“Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo bulshada reer Puntland u cadeeyey in cawaaqib xumada ka dhalata isku day awood maroorsi oo lagu sameeyo Arrimaha masiiriga ah uu qaadi doono Madaxweynuhu”.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil. Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Karaash.

Related posts

Qarameynta Ciidamadii Ahlu Sunna laga wareejiyay oo laga shiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Amiir Alwaleed Bin Talal oo Saami ka iibsaday barta Snapchat

Cabdi Cade

Dad ku sumoobay Kiimiko ku taadatay Laami kuyaala Magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---