Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Qatar oo arrimo ay kamid tahay Shir ka dhacaya Mareykanka kawada hadlay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shalay magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi.

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labadeena dal iyo kor u qaadidda iskaashiga naga dhaxeeya ee dhinacyada badan leh,” ayuu yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar ayaa si gaar ah isula soo qaaday shirka Arrimaha ammaanka Soomaaliya ee Maraykanka todobaadkan ka furmaya, kaas oo Qatar ay ka mid tahay shanta dal ee Soomaaliya gacan siinaya.

Kulanka labad mas’uul waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb Dr Maxamed Axmed Doodishe iyo ku xigeenka safiirka Ruun Siciid Qoorsheel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo diiday dalabyo ay hordhigeen Xildhibaanada Daarood

Caydiid Ali

Macalin Dugsi oo gowracay gabar ay ehel ahaayeen oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Villa Somalia oo sir culus kashiftay & dowladda Kenya oo ku dhawaaqday in ….

Caydiid Ali
Taboola Ads ---