Allbanaadir.com
NEWS

Kiki Gbeho oo qirtay in Soomaaliya cagta saartay Waddadii guusha iyo horumarka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

Wasiirka ayaa Ku-Xigeenka Ergeyga uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay iga soo dhalaashey shaqada ay ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.

Wasiirka ayaa sidoo kale Ku-Xigeenka Wakiilka uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan Qaran sannadkii la soo

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rajada, isla markaana ku tallaabsatey guulo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran. Waxay sidoo kale ka mahad celisay wadashaqeynta iyo soo dhoweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka hawlgaleysay.

Marwo Anita Kiki Gbeho bishii December 30keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga. Waxaana dhammaadka bishan ay qaban doontaa xilka Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna Madaxa Isku-Duwidda Arrimaha Gargaarka Bani’aadminimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somaliland oo loo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha 

Cabdi Cade

DEG DEG: Dab xoogan oo qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Cagjar oo indhihiisa kusoo arkay Musiibadii Jigjiga ka dhacday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---