Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya oo taageero dhinacyo kala duwan leh ka raadineysa Canada

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shala6 magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Canada mudane Axmed Xuseen.

Labada wasiir ayaa kawada hadlay kor u qaadidda xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labada dal, taageerada Dibadda ee Canada u qoondaysay dalalka Afrika iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaad iyo isbeddelka Cimillada.

Mudane Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay martigelinta Canada ee jaaliyadda Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay isku xirka labada dal.

Dowladda Canada ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya,waxa ayna Soomaaliya hadda Canada ka raadineysa taageero dheeraad ah oo dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka ugu horeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin iska celiyay Gaadiid dowladda laheyd iyo kuwa wali heesta oo Digniin loo diray

Cabdi Cade

Guddiga Farsamada iyo maamul dhisida Galmudug oo gaaray Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---