Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga dalka oo degaano cusub kala wareega Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyey Degaanka Dhurey iyo deegaano kale oo hoos taga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Al-Shabab ayaa laga gacan maroojiyey gacan ku haynta Degaanka dhuray iyo Degaano Ku teedsan.

Waxaa howlkaas hogaaminayey Guddomiyaha Degmada Waajid Mudane Mohamed Moallim Yusuf iyo Taliyaha Ururka 260aad Onkod Macalin Aadan.

Howlgalka Inta uu socday waxaa la burburiyey saldhigyo ay ku lahaayeen degaano dhaca Koonfurta Magaalada Waajid.

Markii Howlgalka soo idlaaday Ka dib Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa Kormeer ugu tagay Xarunta ay degan yihiin Magaalada Waajid Ciidanka Degaanka oo u diyaarsan sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen dagaalka Al-shabaab.

Howlgakan ay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen degaannada hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa kusoo aadaya xilli degaannada Koonfur Galbeed looga diyaar garoobayo billaabida wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Related posts

Golaha Wasiirrada maamulka Hirshabelle oo Ansixiyay lix degmo cusub (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

10 Israiliyiin ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Tel aviv

Caydiid Ali

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo talaabo qaaday ka dib qaraxii maanta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---