Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda dastuuriga ee Puntland oo laashay muddo kororsiga Golaha wakiilada

Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayaa gebi ahaanba laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah.

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayay ku laashay mudda kororsiga Baarlamanku samaystay, sida aan ka xaqiijinay xubno sare oo ka tirsan maxkamadda.

Maxkamaddu ma kala dirin Baarlamanka, balse waxay go’aamisay in si toos ah loo aado doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Xukuumadda Puntland ayaa Sabtidii shalay maxkamadda u gudbisay qoraal ay ku codsanayso in maxkamaddu go’aan sharci ah ka soo saarto talaabada uu Baarlamanka ku sameystay muddo kororsiga.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA

Related posts

Rabshado uu dhiig ku daatay oo Maalintii 2aad ka socda Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa

Caydiid Ali

Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqangelisay Qaraar XFS kasoo baxay

Cabdi Cade

Duuliye Asli Calansida oo ka sheekeysay taariikhda halgankii gobanimo doonka Soomaaliyed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---