Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiisad dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan Sool iyo Somaliland oo ciidamo..

Xiisad colaadeed ayaa ka taagan Gobolka Sool qeybo ka mid ah ka dib markii Somaaliland ciidamo badan iyo Gaadiid dagaal ay geysay  aaga Qori lugud ee gobolkaas sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya

Goobaha ay Xiisada dagaal  saaka ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah Buqdharkeyn, Qori-lugud iyo degaano kale oo katirsan gabeedka gobolka Sool

Saraakiisha SSC khaatuma ayaa ku eedeeyay Somaliand iney   Abaabul dagaal ka wadaan gobolkaas ayna ku soo daabulayaan ciidamo iyo hub kala duwan.

SSC Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in dhowr jeer wada hadal ay ku baaqeen si looga baaqsado dagaal markale ka dhaca goboka  Sool hase ahaatee Somaliland ay iska dhegatirtay.

Dhaqdhaaqyada Ciidanka  Soomaaliland ay ka bilaabeen gobolka Sool ayaa ku soo aadaya Xilli  Weli labada dhinac   ay isku horfadhiyaan  degaano ka tirsan gobolka Sool, iyadoo laga cabsi qabo in labada dhinac uu dagaal dhexmaro mar kale.

 

Related posts

Dad ay ku jiraan Soomali oo loo heesto in ay lunsadeen lacag dhan 250 milyan oo dollar

Cabdi Cade

Dowlad Yurub ka tirsan oo Baasaboor & shaqo siineysa ajnabiga dibeda jooga

Caydiid Ali

Gudoonka Baarlamanka Galmudug oo Magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---