Allbanaadir.com
NEWS

Shuruud yaab leh oo lagu xiray dadka qaadanaya dhalashada dalka Jarmalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Saxony-Anhalt, oo ku yaalla bariga Jarmalka, ayaa soo saartay go’aan ah in codsiga jinsiyadda Jarmalka uu ku jiro qiraal uu codsaduhu ku aqoonsanayo xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda.

Wasiir Tamara Zishang ayaa tilmaantay in hadda wixii ka dambeeya helitaanka jinsiyadda Jarmalku ay u baahan doonto qiraalka ah in Israa’iil ay xaq u leedahay jiritaankeeda.

Qaraarka ayaa tilmaamay in xaqa ay dawladda Israa’iil u leedahay jiritaankeeda ay “danta ugu sarreysa” u tahay Jarmalka. Ereygan waxaa badanaa loo adeegsadaa in lagu socodsiiyo go’aamo aan dastuuri ahayn ama anshax-darro ah. Sida laga soo xigtay Qaamuuska Oxford, ereyga “reason of state” waa erey ay adeegsadaan dawladuhu marka go’aanku ku lug leeyahay ka bixitaan mabaadi’da sida furfurnaanta, caddaaladda, ama kalsoonida.

Ereygan ayaa dhawaan ku soo noqnoqday khudbadaha siyaasiyiinta Jarmalka si ay ugu caddeeyaan eexda qotoda dheer ee ay u hayaan Israa’iil, inkastoo ay suurtagal tahay dembiyo dagaal oo ay ka geysanayso Gaza. Tan iyo markii uu billowday dagaalka hadda socda, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 16,000 oo Falastiiniyiin ah oo rayid ah, una badan carruur iyo haween, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Schulz ayaa reaygaas ku celceliyay dhowr jeer. Chancellor hore Angela Merkel ayaa tixraacday ereygaas mar ay khudbad u jeedinaysay Knesset Israel mar ay booqatay Israel 2008dii.

Sida ku cad go’aanka cusub, codsadayaasha jinsiyadda Jarmalku waa inay ku muujiyaan qoraal ka hor intaanay helin jinsiyadda in “ay aqoonsan yihiin xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda, ayna cambaareeyaan dadaal kasta oo ka dhan ah jiritaanka Dawladda Israa’iil.

Waraaqda Wasiirka Arrimaha Guduhu ay u dirtay maamullada deegaanka ee gobolka ayaa la xiriira baahida loo qabo in waqtiga la dalbanayo dhalashada Jarmalka fiiro gaar ah loo yeesho haddii ay jiraan wax tilmaamaya hab-dhaqannada nacaybka Yuhuudda, sida in la diido xuquuqda Israa’iil ay u leedahay jiritaankeeda.

Wareegtadu waxay soo jeedisay talooyin ku wajahan maamullada maxalliga ah si ay u go’aamiyaan oraahyada loo isticmaalo in lagu qirto laguna aqoonsado xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda. Wareegtada dowladda ayaa intaas ku dartay in aan la siinin warqadda aqoonsiga muwaadinimo codsadaha diida qiraalka noocaan oo kale ah.

Sabriye Musse
moqokori@gmail.com

Related posts

Madaxweyne Waare oo xaalad adag ay ka soo wajahday Baarlamanka Hirshabelle

Caydiid Ali

Raggii dilay Jamal Khashoggi oo la ogaaday in lagu tababaray Mareykanka

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo qabsatay degaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali