Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Costa Rica oo xabsiga dhigtay nin lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.

Dowlada Costa Rica ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab

Cali Cabdinuur Axmed oo la xiray 30-kii bishan November, ayaa la sheegay inuu ku sugnaa agagaarka xarunta daryeelka ku meel gaarka ah ee dadka soo galootiga ah oo qiyaastii 10 km u jirta xudduudda waddanka Panama.

Ninkan ayaa ka mid ahaa boqolaal muhaajiriin ah oo ka yimid Panama, kuna sii jeeday iney tahriib ku galaan dalka Mareykanka.

Laamaha amniga Costa Rica ayaa sheegay in qabashada ninkan ay ka dambeysay ka dib digniin caalami ah oo ay ka heleen heyadda dambi Baarista Federaalka Mareykanka ee (FBI).

Wasiirka Amniga Costa Rica Mario Zamora ayaa sheegay in uu yahay halis loo raadinayo argagaxisenimo

“Ninkan waxaa si caalami ah loogu raadinayaa kamid ahaanshihiisa kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Zamora.

Dowladda Costa Rica ayaa sheegtay in Cali Cabdinuur Axmed loo wareejiyay magaalada San José lana masaafurin doono.

Related posts

Yuusuf Madaale oo degdeg ugu soo laabtay Muqdisho Dhaawacyana booqday (Sawirro)

Cabdi Cade

Sawirro” Muqdisho oo lagu qabtay nin Lacag been abuur ah dadka ku siri jiray iyo rag kale oo …

Cabdi Cade

Xubno qirtay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo xukun dil ah lagu riday (Magacyada+Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---