Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israaiil oo Q/Midoobay ku eedeysay iney si toos ah ula safatay kooxda Xamaas

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ku eedeeyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in uu la safan yahay Xamaas ka dib markii uu qaaday tallaabo naadir ah oo uu u cuskaday qodobka 99-aad ee axdiga Qaramada Midoobay si uu u riixo xabbad-joojin laga sameeyo Gaza horraantii toddobaadkan.

Qodobka 99-aad waxa uu xoghayaha guud u fasaxaya in uu “hor keeno golaha ammaanka arrin sida uu qabo khatar ku ah ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidan sameeyay Arbacadii markii uu si rasmi ah xaaladda Gaza ugu gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ku boorriyay xubnahooda inay ka hortagaan masiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda deegaanka go’doonsan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in codsiga Guterres uu “ku ceebeeyey” mowqifkiisa, isla markaana uu tusaale u yahay mawqifka eexeed ee xoghayaha guud.

Waa markii ugu horeysay ee Guterres uu adeegsado qodobka 99-aad tan iyo markii uu noqday xoghayaha guud 2017, afhayeen u hadlay ayaa sheegay Arbacadii.

Cohen wuxuu sidoo kale muujiyay mahadcelintiisa Mareykanka ka dib markii uu adeegsaday diidmada qayaxan si uu u hor istaago qaraarka qabyada ah ee xabbad joojinta Gaza ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii.

Wuxuu u mahadceliyey Mareykanka “taageerada ay siiyeen si loo sii wado wax uu ugu yeeray dagaalka lagu soo celinayo la haystayaasha iyo sidii loo ciribtiri lahaa Xamaas.”

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sargaal ciidan oo isku soo dhiibay

Cabdi Cade

Amarkii uu xalay soo saaray Guddoomiye Madaale oon wali ka dhaqan-gelin Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Shacabka Uganda oo u dareeray doorasho natiijeeda la sii ogyahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---