Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaale oo qaabilay haweeney dadka ka yaabiyey la joogsatay jidadka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudey oo muddo raadineysay sidii ay ula kulmi laheyd madaxda sare ee dalka.

“Waxaan ahay Muwaadinad iyo Hooyo Qaran, Xaq ma u leeyahay inaan la kulmo Madaxdeyda, Waxaan rajeyna inay iisoo jawaabaan” ayuu ahaa boor weyn oo ay ku xardhan yihiin sawirada Madaxda dalka oo ay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudey la joogsatay qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo codsigaasi ka jawaabaya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Farxiya Cabdi Muudey.

Waxaa uu u sheegay in ay ka muwaadin ahaan xaq u leedahay la kulanka Madaxdeyda, waxa uuna ku dhiirageliyay in dhalinyarada sideeda oo kale ay ku wacyigeliso garab istaaga Dowladnimada iyo ka shaqeynta Nabadda sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Related posts

Farmaajo oo qorshayaal culus ka damacsan dib u dhigista magacaabista R/Wasaaraha

Cabdi Cade

Madaxii hawlgalada Kooxda Daacish ee degaanada Puntland oo la qaarajiyey

Caydiid Ali

Xaalado aan horey loo arag oo ka dhacay dalal kuyaalla Yurub !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---