Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-gelinaya shirkan.

Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.

Xasan Sheekh ayaana dhigiisa Jabuuti uga warbixiyay guulaha ay gaartay dowladiisa, gaar ahaan dhinaca la dagaalanka Al Shabaab, qaadista cunaqabateynta hubka iyo sidoo kale ku buurista ururka bulshada bariga Afrika.

Related posts

Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Jabuuti oo xaalad deg deg ah la geliyey

Caydiid Ali

Ciidamo ay isla tababareen Holland, Britain & Mareykanka oo Somalia ku soo jeeda

Caydiid Ali

Amb.Cawad “Qadar kuma lug lahan Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya iyo Jawaabtaas oo lagu qancin !!

admin
Taboola Ads ---