Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay Masuul hore oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ku biiray

Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lasoo taagay guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmooyinka Hodan iyo Xamar Weyne Abuukar Saalax Maxamuud oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ku biiray.

Masuulkan hore ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho kaddib markii Al Shabaab baahiyeen wareysi ay ka qaadeen uu ku sheegayay in uu ku qancay nidaamka Al Shabaab wax u wadaan uguna muujinayay kooxdaasi garab istaag iyo wada shaqeyn.

Xeer Ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Hodan Abuukar in uu ku qancay fikirka Al Shabaab uuna ku biiray, waxa ayna ku eedeeyeen in wada dhaqeyn toos ah la lahaa kooxdaasi.

Maxkamadda horteeda ayeyna xeer ilaalinta kusoo bandhigeen wareysiyo uu bixiyay Abuukar kuna sheegayo dowladdii uu horey uga tirsanaa uu ka baxay, isagoona ku tilmaamay dowlad riddo ah.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmada Hodan Abuukar Salaad oo maxkamadda kahor hadlay ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in uu ku biiray Al Shabaab, waxa uuna xusay in sababo ammaan iyo mid ganacsi darteed u tagay goob ay joogaan Al Shabaab, isagoona wareysiga ku sheegay in si qasab ah looga qaaay.

Qarreenada u doodayay Abuukar Salaad ayaa sidoo kale sheegay in ninkan ay difaacayaan uusan gelin dambiyada lagu soo eedeyay, waxa ayna sheegeen in xeer ilaalinta maxkamadda aysan la imaan caddeymo lagu qanci karo.

Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray dhageysiga kiiska loo heesto Abuukar Salaad, waxa uuna sheegay in xukunka eedeysanaha maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo ka hadlay safarkiisii Imaaraadka & Heshiiskii dekeda Berbera

Caydiid Ali

Dayuurad uu la socday Madaxaweyne ku-xigeenka dalka Malawi oo la la’yahay

Caydiid Ali

Milkiilaha Astaan cable TV oo laga sii daayey xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---