Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka laabtay go’aankiisii ahaa in uu hirgalinayo doorasho qof iyo cod , waxa uuna taa badalkeeda aqbalay in xildhibaannada Puntland ay doortaan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Baarlamaanka Puntland ayaa dhankooda aqbalay in doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ku dhacdo xilligii loo asteeyay ee horaanta bisha Janaayo, hasa ahaatee xildhibaannada ayaa dhankooda sameestay muddo kororsi hal sanno ah.
Madaxweyne Deni oon kalsooni ku qabin xildhibaannada hadad jooga ayaa wada cadaadis uu ku doonayo in meesha looga saaro muddo kororsiga ay sameesteen xildhibaannada, waxa uuna doonaa in maxkamadda dastuuriga Puntland arrintan soo faragaliso.
Xoggo aan helnay ayaa sheegaya in xukuumadda madaxweyne Deni Puntland maxkamadda dastuuriga ah ka dalbatay in ay go’aan sharciyeed ka soo saarto arrinta Baarlamaanka ee ku aadan muddo kororsiga ay sameesteen.
Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland ayaan wali wax jawaab ah ka bixin dalabka la xiriira in ay buriso go’aankii ay gaareen xildhibaannada, waxaana maxkamadda lagu cadaadinayaa burinta muddo kororsiga xildhibaannada sameesteen.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn usoo dhaweeyay in doorashada Puntland ku socoto hannaankii hore, waxa ayna siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood doorbidayaan in xildhibaannada hadda jooga ay wax doortaan si meesha uga baxo Siciid Deni.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com