Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte oo Macawuusleyda beeshiisa ugu baaqay in ay qabtaan Ceelbuur iyo Galhareeri

U qaabilsanaha madaxweynaha Soomaaliya ciidamada Macawuusleyda Cali Jeyte Cusmaan ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kawada qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanno Al Shabaab kusoo dhawaadeen.

Cali Jeyte oo hadal u jeediyay ciidamo macawuusley ah ayaa ugu baaqay in ay dhaqaaqaan oo aysan iska joogin gobolka Hiiraan iyo deegaanno gaar ah, waxa uuna xusay in ciidamada looga fadhiyo in ay ka gudbaan xadka Hiiraan oo iska fogeeyaan Al Shabaab.

Waxa uu ugu baaqay ciidamada uu la hadlayay Cali Jeyte in ay isku diyaariyaan sidii ay u gaari lahaayeen degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanno kale ,si kooxda Al Shabaab loo dhaafiyo guud ahaan Hiiraan.

”Waa in aad Ceelbuur ku hoyataan oo Galhareeri ku hoyataan oo ilaa salka dambe ku hoyataan, si gabdhihiina gobolka Hiiraan ugu laafiyoodaan, wiilal  kale waa in ay ku dhintaan doorka dagaalka, haddii kale micno masameenayaan kuwii horey u dhintay, waxaan idinka rabaa in aad noqotaan booliiska Soomaaliyeed oo meel kasta ilaaliya ” ayuu yiri Cali Jeyte oo la hadlay ciidamo Macawuusley ah.

Macawuusleyda Hiiraan ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaallo xooggan oo ay la galeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidankan deegaanka hadda isku diyaarinayaan ciidanka dowladda in ay ku wehliyaan howlgalo lagu xureenayo Ceelbuur iyo deegaanno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Galmudug oo faahfaahisay duqeyn ay fuliyeen Ciidamada Maraykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaano badan oo Mucaarad ah oo Muqdisho kasoo degay

Cabdi Cade

Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Sudan oo sii xumaatay iyo Safiirkii Sudan u joogay Itoobiya oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---