Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo caqabad ku noqday Xabbad joojin ka hirgasha magaalada Gaza

Dowladda Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar xalay la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada la horgeeyay ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka, waxaana diiday qaraarkan dowladda Mareykanka, halka dowladda Britian ay ka aamustay.

Wakiilka dowladda Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Robert Wood, ayaa sheegay in aysan taageereyn doonin xabbad joojin degdeg ah oo laga hirgaliyo Gaza, waxa uuna intaa raaciyay in aysan dhageysan doonin baaqyada xabbad-joojinta ah.

“Iyadoo Mareykanku uu si xooggan u taageersan yahay nabad waarta, taas oo in Israa’iil iyo Falastiiniyiintuba ay ku noolaan nabad iyo ammaan, ma taageereyno baaqyada xabbad-joojinta degdegga ah.Tani waxay kaliya beeraysaa abuur dagaalka soo socda sababtoo ah Xamaas ma rabto inay aragto nabad waarta,”ayuu yiri Robert Wood.

Dowladda Mareykanka ayaa si cad ugu garab istaagtay Israa’iil xasuuqa ay u geesaneyso shacabka Falastiin, waxa ayna Mareykanka Israa’iil ugu deeqday gantaalo culus iyo hub kale oo casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Arrimo kala duwan kala hadlay Suldaan Saciid Axmed (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Sisi oo gaaray Asmara & shir sadex geesood ah oo furmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka socda degaanka Bohol oo farsiisin u ah Shiikh Shaakir & ciidamadiisa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---