Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir aan caadi aheyn kaga qeyb galaya Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti u tagay ka qeyb galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, kulankaas ayaana looga hadli doonaa arrimo Soomaaliya qeyb ka tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaana shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya , gaar ahaan guusha dowladiisa ka gaartay dagaalka Al Shabaab, qaadista cunaqabateynta hubka iyo arrimo kale.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa wada dedaalo badan ay ku dooneyso in Al Shabaab dalka ka saarto, si ciidamada qalabka sida si buuxda ula wareegaan ammaanka guud ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo caawa laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir Sabriye oo diiday in uu Xilka ka qaado Gudoomiyaal Degmo iyo R/W Kheyre oo ka carooday

admin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Yuhuuda oo ka digay talaabo uu qorsheynayo Netanyahu

Caydiid Ali
Taboola Ads ---