Allbanaadir.com
NEWS

Gabdhaha Mareykanka ee qaadanaya Diinta Islaamka oo kordhay iyo Hal arrin oo Sabab u noqday

Haween badan oo ah facii dhashay intii u dhaxaysay sannadihii 1990-kii ilaa 2010 ayaa qaadanaya diinta Islaamka markii ay aqristeen Qur’anka si dhowna ugu fiirsadeen dhabar-adeyga Muslimiinta Falastiin kaddib.

Qaadashadooda Islaamka waxay ka bilaabanaysaa October 7 oo ah markii Mujaahidiinta – Xaq-u-dirirka ah – ay dagaal ku qaadeen Yuhuudda kaas oo ay kaga shahiideen in ka badan 12,300 oo Muslimiin reer Falastiin.

Madison Reeves, oo 24 jir ah ayaana kamid ah. Waxay kasoo jeeda gobalka Tampa, Florida, dalka Maraykanka. Xiisaha ay u qabto Islaamka waxay soo bilowday bishii September markii ay goob fogaan arag ah ay wada hadal kula qaadatay dhalinyaro Muslimiin ah.

Iyada oo ka hadlaysa Qaadashadeeda Islaamka

“Waa tallaab mudan iyo macaan badanba leh,” ayay tiri iyada oo ka hadlaysa sababtii ay Islaamku ku jeclaatay!

Madison, laakiin, ma ahan Muslimadda kaliya ee dhacdooyinka Gaza ay sabab u noqotay inay Islaamka qaadato. Megan Rice oo ah tiktokerad Maraykanka u dhalatay ayaa kamid ah.

Alex, waxay dhawaan soo dhigtay muuqaal ay kaga hadlayso Islaamka iyo Qur’anka. Waxayna bilowday inay xirato xijaabka, sida ay kusoo warrantay Daily Mail.

Waxay gaashaanka u daruurtay mar un in laga yaabo inay dib u jeclaato dhaqamada dib u socodka ah ee Galbeedku dunida ku maaweeliyaan iyaga oo ku sheegaya xurriyad iyo ilbaxnimo!

“Galbeed gabbalka ayaa u dumay mana hayaan jidka nolosha iyo macaanka,” ayay tiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne caan ah oo wada dedaalo lagu xalinayo xiisada ka taagan Laascaanood

Caydiid Ali

Jahwareerka ka taagan dastuurka Soomaaliya iyo sida uu u shaqeeyo wax ka ogow!!

admin

Guddi ka socday Qaramada Midoobay oo arrin muhiim ah kala hadlay Wasiirka Difaaca

Cabdi Cade
Taboola Ads ---