Dowladda Kenya ayaa dhulka Israa’iil xoogga ku heysato u direysa shaqaale badan oo ka shaqeeya beeraha, xilli Israa’iil ay wajaheyso shaqaale yari baaxad leh ,gaar ahaan dhinaca beeraha oo baahi weyn u qabto dad uga shaqeeya.
Wasaaradda shaqaalaha dalka Kenya ayaana xaqiijisay in Israa’iil loo dirayo shaqaale gaareya 1,500 qof, kuwaa oo intooda badan ka shaqeenaya beeraha kuyaalla dhulka sraa’iil maamusho.
Dowladda Malaawi ayaa laba todobaad kahor Israa’iil u dirtay shaqaale gaaraya 221 qof oo dhalinyaro ah, kuwaa oo loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan beeraha, waxaana dhallinyaradaasi oo gaaray Israa’iil qaarkood bilaabeen shaqadii loo geeyay halkaasi.
Kenya ayaa sheegtay in shaqaalaha ay u direyso Israa’iil ay saxiixi doonaan qandaraas soconaya saddex sano oo la cusbooneysiin karo, iyagoo bishii mushaar ahaan loo siin doono lacag dhan 1500 oo doolar.
Israa’iil ayaa wajahday shaqaale yari aad u baaxad weyn, kaddib markii dalkaasi isaga baxeen shaqaale badan oo ajaaniib ah oo Israa’iil ka shaqeenayay, kuwaa oo ka cabsaday duqeymihii Xamaas ku garaacayeen dhulka Israa’iil maamusho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com