Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sirdoonka Itoobiya oo xabsi ku guray boqol qof oo lagu eedeeyey argagixisanimo

Itoobiya ayaa xirxirtay tobannaan qof, iyadoo lagu wado in magaalada Adis Ababa lagu qabto isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo colaadaha ka dhacaya qaybo ka mid ah dalkaas oo ay soo qabanqaabiyeen dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha bulshada mucaaradka.

Laamaha ammaanka iyo waaxda sirdoonka ayaa sheegay in la xirxiray dad gaaraya 97 qof oo lagu eedaynayo inay khalalaase ka abuuri rabeen caasimadda Itoobiya.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ku eedeyay dadka xabsiyada la dhigay in ay qorsheynayeen in ay fuliyaan weerarro “argagixiso” iyagoo ku gambanaya dibadbaxyada.

Inkastoo mas’uuliyiinta dowladdau ay sheegayaan in dadkaas boqolka qof ku dhow la xirxiray,

Afar ka mid ah qabanqaabiyaasha bannaanbaxaas lagu wado in la qabto maalinta Axadda ah ee nagu soo aaddan ayaa la sheegay iney ku jiraan dadka xabsiga la dhigay

Related posts

(Akhriso) Puntland oo War ka soo saartay Xildhibaanada cusub ee Jubbaland

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Duqeyn naxariis la’aan ah oo weli ka socota Ghouta & dhimashada oo tira beeshay

Caydiid Ali

Xildhibaanad goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---