Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Madaale oo xariga ka jaray xarun degmo oo si qurux badan loo dhisay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada Kaaraan oo dib-u-dhis balaaran lagu sameeyay.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Abshir Maxamed (Abshir Kaaraan) iyo Agaasimaha Guud ee waaxda Qorsheynta iyo Maalgeshiga Gobolka Banaadir Mudane Cabdulqaadir Muxiyadiin (Dalxa) oo labaduba sharaxaad ka bixiyay marxalidihii kala duwanaa oo ay soo martay dib-u-dhiska Degmada iyo in xilligaan loo diyaariyay dhamaan xafiisyada lagu qaban lahaa adeegyada kala gedisan oo ay Bulshada u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay horumarinta Kaabayasha Adeega Bulshada oo ay ugu horeeyaan dhismaha Wadooyinka iyo Xarumaha loogu adeego Bulshada, isla markaana Degmooyinka Gobolka Banaadir lagu tartan siin doonno dib-u-dhiska iyo adeegyada ay u hayaan shacabka Gobolka Banaadir.

Related posts

Raísul Wasaare Xamse oo tacsi ugu tagay qoyska Ugaaskii Beesha Murusade

Cabdi Cade

In ka badan 200- Sargaal oo loo xiray Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Itoobiya

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo guddoomiyey shir looga hadlay arrin xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---