Xeer Ilaaliyaha Guud ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa Maxamed Xasan Shiikh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ku soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka ah, kaddib markii shil baabuur uu ku galay magaalada Istanbul kaasoo sababay geerida muwaadin turki ah oo agu magacaabo Emre Göçer.
Wadada Eurasia Tunnel, oo ah meel saxmad badan ay ka jirto oo ku taal Istanbul ayuu shilkan ka dhacay maalmo ka hor.
Wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii hore la sii daayay hase ahaatee cadaymo cusub oo laga helay kiiskan ayaa ku kalifay xafiiska dacwad oogaha inuu dib xayiraad ugu soo rogo.
Wasiirka Cadaaladda Turkiga Yılmaz Tunç, ayaa ballan qaaday inay sameyn doonaan baaritaan dhab ah oo dhexdhexaad ah, iyadoo aan loo eegin dhibaatooyinka diblomaasiyadeed ee kiiska.
Wararka ayaa sheegaya in kiiskan uu gali doono baaritaan qoto dheer, iyadoo su’aalo badan ay ka yimaadeen habka uu booliisku u maareeyay, iyo saamaynta uu kiiskaan ku yeelanayo xasaanadda diblomaasiyadeed ee wiilka Madaxweynaha.
Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu, ayaa xaqiijiyay in si dhow loola socdo kiiskan. Sidoo kale dhimashada muwaadinkan ayaa dhalisay baaqyo dadweyne oo lagu dalbanayo caddaalad.