Sirdoonka Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ka tirsan heyadda sirdoonka iyo nabad sugida dowlada Soomaaliya ee NISA.
Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa qoraal ay ku baahisay barta ay ku leedahay X ku sheegtay inay gacanta ku dhigtay raggan oo ay sheegtay in ay la shaqayn jireen Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji.
Somaliland waxay sheegtay in ragga la qabtay ay fuliyeen falal lidi ku ah jiritaanka Somaliland, inkastoo aan qoraalka lagu xusin waxa ay ku hawlanaayeen iyo halka laga qabtay.
“Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland ee NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka NIA.
Taliska Heyadda sirdoonka iyo nabad sugida dowlada Soomaaliya ee NISA ayaan ka hadlin hadalka ka soo yeeray maamulka Somaliland.