Sawirro laga soo qaaday Qaza oo ku wareegaya baraha bulshada Khamiistii ayaa muujinayay xadhig ballaadhan oo ciidammada Israa’iil ku hayaan rag reer falastiin ah oo laga qasbay inay iska siibaan dharka iyo nigisyada, kuwaasoo sidoo kale laga xiray wejiga.
Ugu yaraan qaar ka mid ah raggan ayaa ah dad rayid ah oo aan la garanayn inay ka tirsan yihiin kooxaha ka dagaalamaya Gaza sida ay sheegeen qaar ka mid ah qaraabadooda.
Kormeerayaasha xuquuqda bini’aadanka ee Euro-Mediterranean ayaa sheegay in ciidanka Israel ay xireen oo ay si xun ugu tacadiyeen daraasiin rayid ah oo Falastiiniyiin ah.
“Euro-Med Monitor waxay heshay warbixino sheegaya in ciidamada Israel ay bilaabeen olole aan kala sooc lahayn oo xarig ah oo ka dhan ah dadka barakacay, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, aqoonyahanno, saxafiyiin, iyo rag waayeel ah,” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ay soo saartay
Ciidamada Difaaca Israa’iil ka aysan jawaabin eedeymahan
Warbaahinta Israa’iil ayaa iyada oo aan tilmaamin meel ay ka soo xigteen, waxay sawiradaasi ku tilmaameen xubno ka tirsanaa Xamaas oo isa soo diibay iyo qaar dagaalka lagu soo qabtay
Suxufi ayaa waydiiyay afhayeenka ciidamada Israel Admiral Daniel Hagari sawirada intii lagu jiray shir jaraa’id Khamiistii shalay
“Waan baaraynaa oo hubineynaa cidda xiriirka la leh Xamaas, iyo cidda aan lahayn,” ayuu yiri. “Dhammaantood waanu xirnay oo su’aalo waydiinnay.” ayuu yiri afhayeenka
Bayaan ay soo saartay Khamiistii, warbaahinta Al-Caraby Al-Jadeed ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah wariyayaashiisa iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ay ku jiraan dadka la xiray oo qeyb ka ah dhacdada lagu soo bandhigay sawirada.
“Maanta oo Khamiis ah, ciidanka Israa’iil ee guumeysiga ah ayaa xiray saxafiga iyo agaasimaha xafiiska ‘The New Arab’ ee Gaza, saaxiibkay Diaa Al-Kahlot, oo ka yimid Waddada Suuqa ee Beit Lahia, isaga iyo koox walaalihiis ah, qaraabo iyo rayidka kale,” ayuu qoray Al-Caraby Al-Jadeed.
“Gumaysigan ayaa si bareer ah ugu qasbay dadka reer Gaza inay marada iska siibaan, isla markaana ay bahdileen markii la xiray ka hor inta aan la geyn meel aan la garanayn, sida ay noo sheegeen dadka halkaas ku sugan. Sawirro iyo muuqaalo ayaa faafay muujinaya askarta oo xiraya daraasiin reer Gazan ah oo aan hubeysneyn iyagoo isticmaalaya hab dambiyeed iyo bahdilaad.” ayaa lagu yiri bayaanka
Hussam Kanafani, tafatiraha guud ee Al-Araby Al-Jadeed, ayaa ku sheegay bayaanka in weriye Al-Kahlot iyo qoyskiisa ay weli maqan yihiin.
“Waxaan sameyn doonaa dadaal kasta oo suurtagal ah, annaga oo la kaashanayna hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha daneeya xuquuqda iyo xorriyadda suxufiyiinta adduunka, si loo go’aamiyo halka uu ku sugan yahay saaxiibkeen ” ayuu yiri Kanafani.
Nin qaraabo la ah ragga kale ee la xiray ayaa isaga oo jooga gurigiisa oo ku yaalla Mareykanka waxaa uu wax laga naxo ku sifeeyey sida foosha xun ee ay u dhaqmayaan ciidamada Yuhuuda.
“Ciidamada Israa’iil waxay yimaadeen wadada waxayna ugu yeereen dhammaan nimanka inay soo baxaan, wayna adeeceen,” ayuu yiri al-Madhoun oo sheegay in uu la xiriiray walaashii oo ku sugan Qaza.
Waxa uu sheegay in mid ka mid ah sawirada uu ku aqoonsaday ina-adeerkii Cabuud, uuna arkay walaalkii Max’uud oo muuqaal ah. Waxa uu sheegay in Maxamuud uu yahay dukaanle, Cabuudna uusan wax dhaqdhaqaaq ah ku lug lahayn; wuxuu ka caawiyaa aabbihiis xagga dhismaha ayuu yiri.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA