Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qalbi-dhagax oo saaka lagu soo dhoweeyey Magaalada Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa saaka gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Qalbi-dhagax ayaa garoonka dayuuradaha Dhuusamareb waxaa ku soo dhaweeyay qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan Maamulka Galmudug .

Hadal kooban uu Qalbidhagax uu Warbaahinta siiyay ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu gaaro Dhuusamareeb Wuxuuna uga mahad celiyay shacabka reer Dhuusamareeb sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen.

Qalbi-dhagax ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada isagoo ugu mahad celin doona sidii shacabka iyo maamulba ugu xumaadeen xarigii loo geystay.

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa safaro ku kala bixinaya gobolada dalka isagoo horey u soo maray magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Justin Trudeau oo markii Saddexaad dirqi kaga badbaaday..

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u baxaya safar dalka dibaddiisa ah

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Warbixin siiyay labo Ra’isul Wasaare hore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---