Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiil uu dhalay wasiir ka tirsan Dowlada Israel oo lagu dilay Gaza (Daawo Sawiro)

Wiil uu dhalay Wasiir ka tirsan xukuumadda Israa’iil Gadi Eisenkot, ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaza, sida ay shaaciyeen ciidamada Israa’iil.

Gal Meir Eisenkot 25 jir ah ahna askari ka tirsan guutada 699-aad ee ciidamada milateriga Yuhuuda ayaa lagu dilay dagaalka ka socda waqooyiga Marinka Gaza

Aabihii wuxuu mar soo ahaa madaxa guud ee ciidamada Israel laga soo bilaabo Febraayo 2015 ilaa Janaayo 2018, wuxuuna ka soo shaqeeyay militariga afartan sano.

Wixii ka dambeeyay weeraradii 7-dii Oktoobar, wuxuu ku biiray golihii wasiirrada ee xilligii dagaalka isagoo wasiir ah oo aan xil hayn. Waa xubin ka tirsan Xisbiga Midnimada Qaran ee Benny Gantz

88 askari oo ka tirsan ciidamada Isael ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay Israel hase ahaatee waxaa la aaminsan yahay in tirada laga dilay ay intaas aad uga badan tahay ayna gaareyso boqolaal.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa tacsi ku muujiyay qoraal uu soo dhigay barta X, oo hore u ahaan jiray Twitter.

Related posts

Dowlada oo soo saartay amar saameyn ku yeelanaya Wafdi Kenya u direyso Kismaayo

Cabdi Cade

Ciidanka Maraykanka oo Kabul ku duqeeyey gaari qaraxyo laga soo buuxiyey

Caydiid Ali

James Swan oo balan-qaad u sameeyey Taliska ciidanka Booliska Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---