Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalada iyo duqeymaha culus ee ka socda Gaza (Sawirro)

Ciidamada Israel ayaa duqeeyay masjidka al-Awda ee ku yaala xerada qaxootiga ee Jabalia, oo ku dhow xarumo ay gabaad ka dhigtaan dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga Qaza.

Muuqaal ay xaqiijisay Aljazeera ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray iyadoo dadku ay u yaaceen goobta si ay u badbaadiyaan dadka dhaawacmay.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada guud ee Falastiiniyiinta lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii October ay hadda gaarayaan 17,177, iyadoo in ka badan 46,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la dilay 350 Falastiiniyiin ah.

Sidoo kale, 13 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Khan Younis, oo ah deegaan aad ugu dhow isbitaalka Naasir.

Saaka, waxaa iskuul lagu bartilmaameedsaday degaanka Beit Lahia, oo ku taalla waqooyiga Qaza, halkaasoo ay ku nafwaayeen dad barakacayaal ah oo naftooda kula cararay madaafiic culus iyo duqeymo cirka ah, kuwaasoo isku dayayay in ay tagaan iskuulka si ay gabaad uga dhigtaan. taangiyada Israel ayaa la soo sheegayaa iney ku hareeraysan yihiin dugsigaas gaarka ah waxayna si toos ah ugu garaacayaan bambooyin culus.

Wariyaha Aljazeera Wael al-Dahdouh ayaa ku soo waramaya in 30 qof oo falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen guri ay leeyihiin qoyska al-Asali oo ku yaala xaafada al-Daraj ee magaalada Gaza.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay meydad dhowr ah oo ay leeyihiin qoyska Abu Saalax oo daadsan garoonka ciyaaraha ee Iskuulka Xalab oo ku dhow isbitaalka Indonesia.

Dhinaca kale, deegaanka Wadi al-Salqa ee bartamaha Marinka Gaza, afar qof oo uu ku jiro ilmo ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday guri.

Ciidamada Israa’iil ayaa laba jeer xalay duqeeyay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza, iyagoo cabsi ku beeray mid ka mid ah meelaha ugu dambeeya ee ay dadka rayidka ahi gabaad ka dhigan karaan ka dib markii Israa’iil ay ballaarisay duullaanka ka dhanka ah Xamaas oo ay ku qaaday goobo ay horay u buux dhaafiyeen dad barakacayaal ah.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan jirin meelo ammaan ah oo ku yaalla Gaza. Dagaalo culus oo ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada koonfureed ee Khan Younis ayaa barakiciyay tobanaan kun oo qof oo ku nool dhul ay in ka badan 80% dadkii ku noolaa ay mar hore ka carareen guryahoodii, waxaana Gaza ka go’ay inta badan raashin, biyo iyo gargaar kale oo muhiim ah. .

Laba bilood oo uu dagaalku socday, weerarkan culus ayaa soo cusboonaysiiyay qaylo dhaan caalami ah, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu isticmaalay awood naadir ah oo uu uga digay Golaha Ammaanka “masiibo bini’aadantinimo” ay soo socoto, wuxuuna xubnaha ku booriyay inay dalbadaan xabbad-joojin.

Related posts

Al Shabaab oo bilowday tallaabooyin ka dhan ah Macawuusleyda Dagaalka kula jira

Cabdi Cade

Fadhiyada Golaha Shacabka oo la hakiyay iyo Sababta keentay oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Muuqaal “Soomalida isirkooda ama faracooda maka kasoo jeedo carab raad raac dhab ah!! Qaybta 2-aad

admin
Taboola Ads ---