Allbanaadir.com
NEWS

Amnesty: “Hub Mareykanku sameeyey ayaa loo adeegsaday xasuuqa shacabka Gaza”

Heyadda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa sheegtay in Israa’iil ay u adeegsatay hub uu Maraykanku sameeyay duqeymo xagga cirka ah oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah oo ku sugnaa Qaza

Baaritaan ay samaysay Amnesty International ayay ku eedaysay in nidaamka hagista hubka ee Maraykanku sameeyay loo adeegsaday weeraro cirka ah oo Israa’iil ka geysatay Gaza bishii Oktoobar oo la sheegay in 43 qof oo rayid ah lagu dilay.

Qaybo ka mid ah nidaamka hagida weerarrada tooska ah ee Mareykanka uu sameeyay ayaa laga helay burburka guryaha burburay ee xaafadda Deir al-Balah ee bartamaha Gaza,  sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka xuquuqda aadanaha .

Israa’iil waxay isticmaashaa hub iyo rasaas kala duwan oo Maraykan ah, balse warbixinta Amnesty ayaa ah mid ka mid ah isku daygii ugu horreeyay ee lagu xiriirinayo in hub Maraykanku sameeyay dad badan oo rayid ah lagu laayey.

Amnesty waxay sheegtay in khubaradeeda hubka ay baareen sawirrada dayax-gacmeedka iyo sawirrada guryaha oo muujinaya “haraaga hubka laga helay burburka”.

Natiijada labadan weerar, 19 carruur ah, 14 dumar ah, iyo 10 rag ah ayaa lagu dilayayey warbixintu sheegtay.

Hay’adda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay “in aysan helin wax calaamad ah oo muujinaya in ay jiraan ujeeddooyin ciidan oo laga leeyahay goobaha” duqaymaha cirka ama in shakhsiyaadka ku nool guryaha ay ahaayeen bartilmaameedyo milatari oo sharci ah.

“Hay’addu waxay ogaatay in duqeymahan cirka ay ahaayeen kuwo toos ah oo lagu beegsaday dad rayid ah ama weerarro aan kala sooc lahayn,” ayay tiri warbixintu, iyadoo ku baaqday in weerarradaas loo baaro inay yihiin dambiyo dagaal.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku tilmaamay warbixinta mid khaldan oo oo ku salaysan male-awaal aan sal iyo raad lahayn.

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulankii madax goboleedyada & Midowga Musharaxiinta?

Caydiid Ali

Hambalyada Meher ah oo loo dirayo Cabdixakiin Faarax Muudeey iyo Nasro Macalin Mohomuud

admin

Shaqaale ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee doorashada Kenya oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---