Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka Puntland oo war ka soo saaray go’ankii Madaxweyne Deni (Akhriso)

Dalada Mucaaradka Puntland ayaa soo dhoweeyey hadalkii xalay ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ee uu kaga tanaasulay qorshihiisa doorashada qof iyo qof.

“Dalladda Mucaaridka Puntland waxay soo dhaweynaysaa in doorashadu ay wakhtigeeda ku dhacdo“ ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Dallada.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Puntland uu ku qabanayo wakhtigeeda islamarkaana lagu galayo sidii hore ee 66 xildhibaan.

Deni oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Madaxtooyada ayaa shaaciyay in doorashada lagu qabanayo 8 jannaayo 2024 laguna galayo nidaamkii hore ee 66 Xildhibaan ee lagu doortay isaga,

“Waxaan rabaa anigoo u turaya Mustaqbalka Puntland inaan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu yiri Siciid Deni.

Hadalka Deni ayaa soo afjaraya khilaaf adag oo ka taagnaa mudooyinkan hanaanka doorashada soo socota ee hogaanka Puntland kaasoo u dhexeeyey Madaxweyne Deni iyo Mucaaradka Puntland.

Related posts

Haweeney Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade Maraykan ah (Sawirro)

Caydiid Ali

C/raxmaan Baadiyow oo ka hadlay Khilaafka Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug

Cabdi Cade

Qaraarkii Golaha Wasiirrada soo saareen, yaa guuleestay, yaana laga guuleestay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---