Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Joachim Waern (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa sheegay in dalkiisu uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka uga mahadceliyey dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.

Related posts

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo geeriyooday & Axmed Madoobe oo ka hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay agaasimaha cusub ee Villa Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoorqoor oo beesha caalamka kala hadlay labo qodob oo Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---