Allbanaadir.com
NEWS

Barafasoor shaqada laga joojiyay oo Toogasho ka geestay dhismaha Jaamacadda Nevada

Barafasoor bare horey uga ahaa Jaamacadda Nevada ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay in toogasho dhalisay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka geestay dhismaha Jaamacadda .

Ninkan toogashada geestay ayaa gudaha jaamacadda la galay qoray uu watay, waxa uuna halkaasi ku dilay saddex qof oo kamid ahaa dadkii jaamacadda ku sugnaa , halka sidoo kale jiraan dad kale oo toogashadaku dhaawacmay.

Ciidamada booliiska oo dhismaha jaamacadda kula dagaallamay macalinka toogashada geestay ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay dilaan, waxa ayna booliiska hadda wadaan baaritaano ku aadan toogashadan.

Ardaydii iyo macalimiintii ku sugnaa jaamacadda ayaa si deg deg ah loogala cararay dhismaha marka uu weerarku bilowday, waxaana jaamacadda ka dhacay xaalad argagax leh iyo kala carar.

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa tabinaya in ninka toogashada geestay oo ahaa Profosor 67 sanno jir ah oo jaamacadda horey macalin uga ahaa, kaa oo la sheegay in shaqada laga fadhiisiyay ,sidaasna carro uu u qaaday ugu geestay toogashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Damqashada iyo Xanuunka uu reebay Tacadigii Marxuumad Caasha Ilyaas Aadan

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe iyo Masuuliyiin kale oo safar dhulka ah ku gaaray gobolka Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo Xamaas ka codsaday iney aqbasho xabad joojin ay Israel soo jeedisay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---