Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo booqday xarunta Jaamacadda facawayn ee Naayif Alcarabiyah (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdigiisa oo ku gudajira socdaalkii shaqo ee rasmiga ahaa ee dalka boqortooyada Sucuudiga ayaa booqday Jaamacadda facawayn ee Naayif Alcarabiyah ee cilmiga Amniga.

Maamulka Jaamacadda ayaa siweyn usoo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Fiqi iyaga oo uga warbixiyay howlaha Jaamacaddani ay asaaseen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dalalka Carabta sanadkii 1978-ddii.

Dhankiisa, guddoomiyaha jaamacadda ayaa sidoo kale soo dhoweeyey wada shaqayn iyo ka faa’idaysiga fursadaha waxbarasho ee jaamacaddu ay heyso halka Wasiir Arrimaha Gudaha uu ka mahadceliyey soo dhowaynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa iyo guud ahaan wadashaqaynta.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa booqday goobo waxbarasho iyo xarumo kale, waxa uuna kulamo la qaatay madaxda goobaha uu booqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxtooyada cusub ee loo dhisayo Galmudug iyo Qoor Qoor oo kormeeray

Cabdi Cade

Faahfaahin: TPLF oo mar kale Gantaallo ku garaacday xarunta gobolka..

Caydiid Ali

Daawo:-Ciidamo cusub oo la geeyay caasimadda Galmudug & Wararkii ugu danbeeyay

admin
Taboola Ads ---