Dalka Nageria waxaa ka dhacday duqeyn lagu laayay dad badan oo muslimiin ah , kuwaa oo xilliga la dilayay ku sugnaa goob ay ku cibaadeesanayeen, waxaana duqeyntaasi dhalisay carro badan.
Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka katirsan gobolka Muslimiinta ku badan yihiin ee Kaduna ee dhaca waqooyiga dalka Nageria, waxaana duqeynta fuliyay diyaaradaha dagaalka milatariga Nageria.
Inta la xaqiijiyay duqeynta waxaa ku dhintay dad gaaraya 85-qof oo muslimiin ah, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 60-qof oo kale, kuwaa oo ay soo gaareen qaarkood dhaawacyo halis ah.
Madaxaweynaha dalka Nageria Bola Tinubu ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo si qaldan u dhacday ku dhinteen shacabka, waxa uuna tacsi u diray ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay.
Milatariga Nageria ayaa sheegay in duqeynta ku bartilmaameedsanayeen kooxo argagaxiso ah iyo kooxo wax afduubta, waxa ayna sheegeen in goobta duqeynta ka dhacday si qaldan loo duqeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com