Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska si uu ugu kuurgalo habsami u socodka qorshayaasha horay wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagula dagaalayo fikirka xagjirnimada ku salaysan.
Khayre ayaa Wasiirka faray inuu laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammaystirka qorshayaasha qabyada u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay kormeer ku tegay wasaarado ka tirsan Xukuumada, kuwaasoo qeyb ka ah kor-joogtaynta shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com