Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada oo ka hadashay Dedaalo uu bixiyay madaxweynaha intii uu joogay UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isbuuc ku dhawaad ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta uu uga qeyb galayya shirka caalamiga ah, waxa uu sidoo kale madaxweynaha kulamo gaar ah la qaatay madax kala duwan uu kala hadlay xaalado Soomaaliya ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax khasaare u geystay dad ehelo ah oo caawa ka dhacay Muqsdisho

Caydiid Ali

Maxaa ka cusub booqashada RW Xamse ku joogo dalka Tanzania? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga Doorashooyinka oo amar lagu siiyay in ay si deg deg ah Muqdisho u yimaadaan

Cabdi Cade