Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo wafdi sare uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh ayaa maanta kulammo gaar ah la qaatay madaxda xarunta boqor Cabdicasis ee xiriirka dhaqanka (King Abdulaziz Center for cultural communication).
Xaruntan ay Wasiir Fiqi iyo wafdigiisu booqdeen ayaa ah xarun ka shaqaysa wadahadalka bulshada, dhaqanka, nabadda iyo wadanoolashaha bulshada Sucuudiga qeybahooda kala duwan.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay sharaxaad kooban ka bixiyey hanaanka dibuheshiisiinta qaranka oo saldhig looga dhigey talada dadka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Xarunta ayaa ka wadahadley wadashaqaynta dhexmarta gaar ahaan arrimaha wadahadalka bulshada, dibuheshiisiinta iyo wadaagga waaya-aragnimada kala duwan ee la xiriirta mowdaacaan.